BAXNIINTII6som_sim
1Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Haddaba waad arki doontaa waxaan ku samayn doono Fircoon, waayo, gacan xoog leh buu ku sii dayn doonaa iyaga, oo gacan xoog leh buu dhulkiisa kaga eryi doonaa.2Markaasaa Ilaah wuxuu la hadlay Muuse oo ku yidhi, Anigu waxaan ahay Rabbiga,3oo waxaan ugu muuqday Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, sidii Ilaaha Qaadirka ah, laakiinse magacayga ah RABBI iguma ay aqoonin.4Oo weliba axdigaygii waan la dhigtay iyaga inaan siiyo dalka reer Kancaan oo ah dalkii geeddinimadooda oo ay qariibka ku ahaayeen.5Oo weliba waxaan maqlay cabaadka reer binu Israa'iil oo Masriyiintu addoonsiga ku sii hayaan, oo axdigaygii baan xusuustay.6Haddaba waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay Rabbiga, oo waan idinka soo bixin doonaa culaabta Masriyiintu idinku hoos hayaan, waanan idinka xorayn doonaa addoonsigooda, waanan idinku furan doonaa gacan fidsan iyo xukummo waaweyn,7oo waxaan idiin qaadan doonaa dad ahaan, oo aan idiin noqon doonaa Ilaah, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka bixinaya culaabtii Masriyiinta.8Oo waxaan idin geeyn doonaa dalkii aan ku dhaartay inaan siiyo Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, oo idinkaan dhaxal ahaan idiin siin doonaa. Anigu waxaan ahay Rabbiga.9Muusena sidaasuu reer binu Israa'iil ula hadlay, laakiinse ma ayan maqlin Muuse, caloolxumadooda iyo addoonsiga aan looga tudhayn aawadood.10Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, isagoo leh,11Fircoon oo ah boqorka Masar u tag, oo la hadal, si uu u sii daayo reer binu Israa'iil si ay dalkiisa uga baxaan.12Markaasaa Muuse Rabbiga la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, reer binu Israa'iil ima maqline, de haddaba sidee buu Fircoon ii maqli doonaa, anigoo aan bushimaha ka xalaalaysnayn?