GABAYGII SULAYMAAN1som_sim
1Kanu waa gabaygii gabayada ee Sulaymaan.2Isagu ha igu dhunkado dhunkashooyinka afkiisa;Waayo, jacaylkaagu xataa khamri wuu ka sii macaan yahay.3Saliiddaadu caraf wanaagsan bay leedahay,Oo magacaaguna waa sida saliidcadar la shubay,Oo sidaas daraaddeed baa habluhu kuu jecel yihiin.4I soo jiido, waannu kaa daba ordaynaaye.Boqorkii wuxuu i soo geliyey qolladihiisii.Saaxiibadaha HadlayaaAnnagu waannu kugu farxi doonnaa, oo waannu kugu rayrayn doonnaa,Oo jacaylkaagana waxaannu u sii xusuusan doonnaa in khamri ka sii badan.Gacalisada HadlaysaaSi qumman ayay kuu jecel yihiin.5Gabdhaha reer Yeruusaalemow,Anigu waan madoobahay, laakiinse waan u qurxoonahaySida teendhooyinkii reer QedaarIyo sida daahyadii Sulaymaan.6Ha ii soo dhuganina madowgayga qorraxdu i gubtay aawadiis.Wiilashii hooyaday ayaa ii cadhooday,Oo waxay iga dhigeen ilaaliyihii beeraha canabka ah,Laakiinse beertayda canabka ah ma aan dhawrayn.7Kan naftaydu jeceshahayow, ii sheegMeesha aad adhigaaga daajisid, iyo meesha aad hadhkii hadhisid;Waayo, bal maxaan u ahaanayaaSida mid ag wareegta adhyaha saaxiibbadaa?8Taada naagaha ugu qurux badanay, haddaadan aqoon,Waxaad daba gashaa adhiga raadkiisa,Oo waxaad waxarahaaga ag daajisaa teendhooyinka adhijirrada.9Taan jeclahayay, waxaan kugu masaalayFaras ka mid ah fardihii gaadhifardoodyadii Fircoon.10Dhabannadaadu waxay la qurxoon yihiin timo tidcan,Oo qoortaaduna laasimmo jowharad ah.11Waxaannu kuu samaynaynaa silsilado dahab ahOo lacag laga taagay.12Inta boqorku miiskiisii fadhiyey,Ayaa cadarkaygii naaradiinka ahaa caraftiisu soo baxday.13Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida guntin malmal ahOo habeenkii oo dhan naasahayga ku dhex jirta.14Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida xidhmo ubax xinne ahOo beeraha canabka ah ee Ceyn Gedii ku yaal.15Taan jeclahayay, bal eeg, adigu waad qurxoon tahay, bal eeg, waad qurxoon tahay,Oo waxaad leedahay indhaha qoolleyda oo kale.16Gacaliyahaygow, bal eeg, adba waad qurxoon tahay, waanad wacan tahay,Oo weliba sariirteennuna waa cagaar.17Alwaaxda gurigeennu waa qoryo kedar ah,Oo saqafkeennuna waa qoryo beroosh ah.