SABUURRADII93som_sim

1Rabbigaa taliya, oo wuxuu huwan yahay haybad,Rabbigu waa huwan yahay, oo wuxuu dhexda ku xidhay xoog,Duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin.2Carshigaagu wuxuu dhismay waa hore,Oo adiguna waxaad jirtay tan iyo weligaa.3Rabbiyow, webiyadii kor bay u kaceen,Webiyadii codkooday kor u qaadeen,Oo webiyadii waxay kor u qaadeen hirarkoodii.4Biyaha badan codkooda,Iyo mawjadaha badda oo waaweynbaWaxaa ka sii xoog badan Rabbiga sare.5Rabbiyow, markhaatifurkaagu waa hubaal,Oo weligaaba waxaa gurigaaga ku habboon quduusnimo.