SABUURRADII3som_sim

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey markuu wiilkiisa Absaaloom ka cararay.

1Rabbiyow, cadaawayaashaydu fara badanaa!Kuwa igu kacaa aad bay u badan yihiin.2Way badan yihiin kuwa naftayda wax ka sheegaa, iyagoo leh,Ilaah isaga caawin maayo. (Selaah)3Laakiinse, Rabbiyow, adigu waxaad tahay gaashaan igu wareegsan,Iyo sharaftayda, iyo kan madaxayga kor u qaada.4Codkayga ayaan Rabbiga ugu qayliyaa,Oo isaguna wuxuu iiga jawaabaa buurtiisa quduuska ah. (Selaah)5Anigu waan jiifsaday oo waan iska seexday,Oo haddana waan soo toosay, waayo, Rabbiga ayaa i xannaaneeya.6Ka baqi maayo dadka kumanyaalkaa,Oo gees kasta iga hareereeyey.7Kac, Rabbiyow, oo i badbaadi, Ilaahayow,Waayo, cadaawayaashaydii oo dhan waxaad ku dhufatay dhabanka,Oo kuwa sharka leh ilkahoodiina waad jejebisay.8Badbaado waxaa leh Rabbiga,Barakadaadu dadkaaga ha ku soo degto. (Selaah)