SABUURRADII114som_sim

1Markay reer binu Israa'iil Masar ka soo bexeen,Oo ay reerkii Yacquub dad af qalaad ka soo bexeen,2Ayaa Yahuudah noqday meeshiisa quduuska ah,Israa'iilna noqday meeshuu u talinayay.3Baddii way aragtay, wayna carartay,Webi Urdunna dib baa loo celiyey.4Buurihii waxay u boodboodeen sidii wanan,Kurihiina sidii baraar.5Baddoy, bal maxaa kugu dhacay oo aad u cararaysaa?Webi Urdunow, maxaad dib ugu noqonaysaa?6Buurahow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida wanan?Kuraha yaryarow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida baraar?7Dhulkow, ku gariir Sayidka hortiisa,Ilaaha reer Yacquub hortiisa ku gariir,8Kaas oo dhagaxii u beddelay balli biyo ah,Oo dhagaxmadowgiina u beddelay il biyo ah.